Suuqgeynta dhijitaalka ah (Digital Marketing) waa farsamo casri ah oo ganacsatada ay isticmaalaan si ay u gaaraan macaamiil iyaga oo adeegsanaya internetka. Halkii wakhtigii hore si toos ah ama fool ka fool loo sameyn jirey, ama TV loo adeegsan jirey xayeysiiska, maanta waxaad isticmaali kartaa baraha bulshada sida Facebook, Instagram, TikTok, website-yada, email, iyo matoorada raadinta (SEO) sida Google.
Tusaale: Haddii aad leedahay dukaan dhar, halkii aad kaliya sugi lahayd iney dadku soo raadiyaan dukaankaaga, waxaad si online ku gaari kartaa kumanaan qof adigoo hal sawir kaliya soo gelinaya platformka aad isticmaasho sida FACEBOOK,TIKTOK IWM.
Suuqgeynta dhijitaalka ah waxay dadka bilowga ah siisaa fursad weyn oo ay si tartan la’aan ah ku heli karaan macaamiil cusub, korna ugu qaadi karaan dakhliga ganacsigooda.
Thank you mss