Hordhac:

Baraha bulshada (social media) ma ahan oo kaliya meel dadka lagu wada sheekeeysto ama laga daawado muuqaalo. Balse waa aalad muhiim ah oo ay wakhtigan la joogo dadku ka helaan macaamiil, ku dhisaan sumcadooda, kuna kordhiyaan dhaqaalahooda. Maqaalkan, waxaan ku eegaynaa sida aad ganacsigaaga uga dhigi karto mid guuleysta adigoo ka faa’iideysanaya baraha bulshada.


Muxuu Baraha Bulshadu Muhiim ugu yahay Suuq-geynta?

  1. Waa bilaash in la bilaabo – Aad bay u jaban tahay, xitaa haddii aad samayso xayeysiis lacag ah.
  2. Dad badan ayaa isticmaala– Facebook oo kaliya waxaa isticmaala in ka badan 2 bilyan oo qof.
  3. Waxay sahasha in lala xiriiro dadka – Macaamiisha waxay toos kuu weydiin karaan su’aalo.
  4. Sumcadda ayaa kor u kacda – Markaad si joogto ah u daabacdo wax fiican, dadku way ku aaminayaan.

Baraha Bulshada Ugu Waaweyn ee Loo Adeegsado Suuq-geynta

  1. Facebook: Wuxuu Ku habboon yahay ganacsiyada yaryar, si sahlan ayaa xayeysiin loogu sameeyaa.
  2. Instagram:Wuxuu Ku habboon yahay muuqaallo iyo sawirro tayo sare leh — gaar ahaan dharka, cuntada iyo qurxinta.
  3. TikTok: Wuxuu Ku habboon yahay muuqaalada gaagaaban ee xiisaha leh – gaar ahaan dhalinyarada.
  4. WhatsApp Business: Wuxuu fududeeyaa isgaarsiinta degdeg ah iyo dirista macluumaad.

Sida Loo Bilaabo Suuq-geynta Baraha Bulshada

1. Samee Account Ganacsi

2. Diyaari qaabkii aad usoo bandhigi lahayd oo Tayo Leh

3. La Falgalka Dadka

4. Samayso Jadwal Daabacis

5. Isticmaal Xayeysiis


Talooyin:

Muuqaal wanaagsan: Isticmaal sawirro tayo sare leh iyo qoraal nadiif ah. Dadku waxay jecel yihiin wax la arki karo oo qurux badan.

Joogteyntu waa muhiim: Haddii aad laba todobaad maqnaato, dadku way iloobi ganacsigaaga. si joogto ah u samee.

Ra’yi weydii: Macaamiisha Waydii: “Maxaad jeceshihiin inaan ku daro adeega/alaabta?”, si ay u dareemaan in aad codkooda maqasho.

Kobci kalsoonida: Soo bandhig ra’yiga dadki hore ee isticmaaley adeeggaaga.


Gunaanad

Baraha bulshada ma aha kaliya aalad lagu madadaasho — waa aalad awood leh oo aad ganacsigaaga ku kobcin karto. Haddii aad si joogto ah u isticmaasho, aadna la falgasho macaamiishaada, waxaad arki doontaa koror la taaban karo oo ku yimaada iibka adeegaaga iyo sumcaddaada.

Talo: Bilow maanta — samee bog, daabac sawirka adeegaaga/Alaabtaada, ku qor qiimaha iyo lambarkaaga, kadibna la wadaag asxaabtaada!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *