
Xilligan dijitaalka ah ayaa tirtiray xuduudihii u dhexeeyey aduunka, Maadaamuu internet-ku fududeeyey wax kasta ama magaalo weyn joog ama tuulo, fursadaha aad ku bilaabi karto ganacsi online ah oo guuleysta ayaa ah kuwo si sahlan loo heli karo. Hadaba waxaan halkan kugula wadaagayaa 10 ganacsi online ah oo aad ka bilaabi karto meel kasta, iyadoo ayna kaaga baxaynin karash badan.
- Adeegyada Freelance-ka
Hadaad tahay Qoraa ama naqshadeeye sida inaad sameyso Sawir gacmeed ama aad ku fiicanatahay sameynta logo IWM adigoo isticmaalaya appabka kala duwan, Xirfadahaas oo loo yaqaano freelance afka qalaad ayaa ah ganacsi si xawli ah u koraya. Waxaad ka heleysa shaqooyinkaas Goobaha sida Upwork, Fiverr, iyo Toptal kuwaasoo xiriiriya xirfadlayaal iyo macaamiil sida Saqsiyaad ama shirkado. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa portfolio iyo internet wanaagsan. - Dukaan Dropshipping ah
Bilow dukaan eCommerce ah adiga oo adeegsanaya dropshipping, waxaad iibisaa alaab aadan haynin adiga oo xidiidhinaya macaamiil iyo shirkadaha alaabta sameeya. Waxaad fureysaa Shopify ama WooCommerce halkaas ayaadna kusoo bandhigeysa alaab noocyo kala duwan tas oy dadku markey arkaan kaa iibsan. - Tababar Online ah ama Latalin
Haddii aad khabiir ku tahay aqoon ama xirfad gaar ah sida tababar ama latalin dhanka jimicsiga, ganacsiga, cunto karinta IWM adigoo adeegsanaya Zoom ama Google Meet. Ka faa’iidayso aqoontaada adigoo dadka kale ka caawinaya yoolalkooda. - Wax soo saar Dijitaal ah
Samee oo iibi eBooks, koorsooyin online ah, templates naqshadeysan IWM adigoo adeegsanaya appabka kala duwan sida Canva, Marka aad sameyso , si joogto ah ayaad u iibin kartaa adigoon dadaal badan gelin. Isticmaal goobaha sida Gumroad, Teachable, ama Etsy. - Suuqgeynta Affiliate-ka
Xayeysiinta alaabta shirkado kala duwan, waxaad ka heleysaa komishin mar kasta oo qof iibsado ayadoo la isticmaalayo linkigaaga gaar ah. Waxaad ku samayn kartaa blogging, YouTube, ama baraha bulshada. Amazon Associates iyo ShareASale waa goobaha lagu bilaabo. - Adeegyada Virtual Assistance
Ganacsato badan ayaa u baahan cid ka caawisa hawlaha maamulka, maaraynta emailada, jadwalkooda maalin laha ah, ama adeegga macaamiisha. VA-du waxay ka shaqeyn karaan meel kasta aduunka. Waxaad kaliya ood u bahanatahay inaad qaadato course gaaban ood ku fahanto hawlaha la qabto oon aad u adkeyn waxaad ka heleysaa course isagoo bilaasha ah Udemy iyo corsera iyo goobo kale oo lamida. - Ganacsiga Print on Demand
Waxaad iibineysaa alaab la naqshadeeyay sida funaanado, koobab, iyo waliba buug sida planners, Hada adigu alaabtaas ma aha mid aad adigu hayso balse waxaad sameysaneysaa dukaan online ah, waxaadna kusoo bandhigeysaa alaabtaas aan kor kusoo sheegey ood naqshadeysey waxaan fududeynaya Adeegyada sida Printful iyo Printify oo u sameynaya qofku markuu dalbado.
Gabagabo
ganacsiyada online-ka waxay ku fiicanyihiin madaamoo internetku aduunka isu soo dhaweeyey kuma xidhna goobta aad ku sugantahay. Adiga oo ka faa’iideysanaya wakhtigaaga aad maalin walba kaga hadasho wax aan faa’iido ku lahayn, suuqa dijitaalka waxaad ka heleysa waddooyin badan oo aad ku guuleysato, iyo waliba dhaqaale aad kaga maarmi karto gacan aadame. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa in aad bilowdo.
Mansha aalaah
Marwo sucad axmed
Ader cilmi badan aya kugu Duganon khayr alaha ku siiyo waxan rajaynayaa in bulsho badan oo baahi wayn u qabtay isla markana wayay wax u iftiimiya adegsiga iyo isticmalka online ka inay ka faidaysan donaan waaad ku mahadsan tahay ader